Jump to content

Farqiga u dhexeeya dib u fiirisoshooyinka Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha

Ka Wikipedia
Content deleted Content added
Xqbot (wadahadal | ku darsasho)
Tags: wax badalka mobilada Wax badalka webka ee moobiilada
 
(43 intermediate revisions by 25 users not shown)
Safka 1: Safka 1:
[[File:Eleanor Roosevelt and Human Rights Declaration.jpg|thumb|250px|[[Eleanor Roosevelt]] & BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA (1949)]]
[[File:Eleanor Roosevelt UDHR.jpg|thumb|250px|[[Eleanor Roosevelt]] & BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA DADKA (1949)]]


== BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA ==
== BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA ==
Safka 10: Safka 10:
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in xuquuqda aadanuhu ay noqdaan kuwo sharcigu dhowro, si uusan qofku, ugu dambeynta, ugu baahan inuu xoog kaga soo horjeesto cadaadiska.
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in xuquuqda aadanuhu ay noqdaan kuwo sharcigu dhowro, si uusan qofku, ugu dambeynta, ugu baahan inuu xoog kaga soo horjeesto cadaadiska.


Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dowladaha.
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dawladdaha.


Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka aadamiga ah iyo sinnaata xuquuqda ragga iyo dumarka iyagoo goostay inay hore u mariyaan bulshada heerka, noloshoodane la wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.
Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka aadamiga ah iyo sinnaata xuquuqda ragga iyo dumarka iyagoo goostay inay hore u mariyaan bulshada heerka, noloshoodane la wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.
Safka 22: Safka 22:


Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi, waana in qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.
Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi, waana in qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.

=== Qod II ===
=== Qod II ===


Safka 78: Safka 79:
1. Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo.
1. Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo.


2. Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo xor ah ee labada doonaysa inay is-guursadaan.
2. Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo xor ah oo ka yimaadda labada doonaysa in ay is-guursadaan.


3. Qoysku waa unugga saldhigga u ah bulshada, wuxuuna xaq u leeyahay in Dawladda iyo mujtamacu bad baadiyaan.
3. Qoysku waa unugga saldhigga u ah bulshada, wuxuuna xaq u leeyahay in Dawladda iyo mujtamacu bad baadiyaan.

=== Qod XVII ===
=== Qod XVII ===


Safka 88: Safka 90:
=== Qod XVIII ===
=== Qod XVIII ===


Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda, wacyiga iyo diinta; wuxuu kale uu qofka xaq u leeyahay inuu beddelan karo diinta iyo wax alle wuxuu aaminsanyahay. Waxa kale uu qofku xaq u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda iyo wacyiga, Waxa uu qofku xaq u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi.

=== Qod XIX ===
=== Qod XIX ===


Safka 150: Safka 153:
Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan.
Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan.



[[ab:Ауаҩытәыҩса Изинқәа Зегьеицырзеиҧшу Адекларациа]]
* [https://wol.jw.org/en/wol/d/r1/lp-e/101979643 What About Human Rights Today?]
[[af:Universele Verklaring van Menseregte]]

[[als:Allgemeine Erklärung der Menschenrechte]]
[[Category:Xuquuqda Aadanaha]]
[[am:«የሰብዓዊ መብት አቀፋዊ መግለጽ»]]
[[an:Declaración Universal d'os Dreitos Humans]]
[[ar:الإعلان العالمي لحقوق الإنسان]]
[[arz:الاعلان العالمى لحقوق الانسان]]
[[ast:Declaración Universal de los Derechos Humanos]]
[[ay:Akpach jaqe walinkañapataki inoqat aru]]
[[bat-smg:Vėsoutėnė žmuogaus teisiu deklaracėjė]]
[[be:Усеагульная дэкларацыя правоў чалавека]]
[[be-x-old:Усеагульная дэклярацыя правоў чалавека]]
[[bg:Всеобща декларация за правата на човека]]
[[bm:Hadamaden josiraw dantigɛkan]]
[[bn:মানবাধিকার সনদ]]
[[bo:༄༅༎ ཡོངས་ཁྱབ་གསལ་བསྒྲགས་འགྲོ་བ་མིའི་ཐོབ་ཐང༌།]]
[[br:Disklêriadur Hollvedel Gwirioù Mab-den]]
[[bs:Univerzalna deklaracija o ljudskim pravima]]
[[ca:Declaració Universal dels Drets Humans]]
[[cs:Všeobecná deklarace lidských práv]]
[[da:FN's Verdenserklæring om Menneskerettighederne]]
[[de:Allgemeine Erklärung der Menschenrechte]]
[[diq:Beyannamey heqanê insananê erd u asmêni]]
[[ee:Amegbetɔ ƒe Ablɔɖevinyenye ŋu Kpeɖoɖodzinya]]
[[el:Οικουμενική Διακήρυξη για τα Ανθρώπινα Δικαιώματα]]
[[en:Universal Declaration of Human Rights]]
[[eo:Universala Deklaracio de Homaj Rajtoj]]
[[es:Declaración Universal de los Derechos Humanos]]
[[et:Inimõiguste ülddeklaratsioon]]
[[eu:Giza Eskubideen Aldarrikapen Unibertsala]]
[[fa:اعلامیه جهانی حقوق بشر]]
[[fi:Ihmisoikeuksien yleismaailmallinen julistus]]
[[fiu-vro:Inemiseõigusõ kuulutus]]
[[fo:Mannarættindayvirlýsing]]
[[fr:Déclaration universelle des droits de l'homme]]
[[fur:Declarazion universâl dai dirits dal om]]
[[fy:Universele Ferklearring fan de Rjochten fan de Minske]]
[[ga:Dearbhú Uilechoiteann Chearta an Duine]]
[[gl:Declaración Universal dos Dereitos Humanos]]
[[gn:Tekove yvypora kuera maymayva derecho kuaaukaha]]
[[he:ההכרזה לכל באי עולם בדבר זכויות האדם]]
[[hi:मानव अधिकारों की सार्वभौम घोषणा]]
[[hr:Opća deklaracija o pravima čovjeka]]
[[hu:Az Emberi Jogok Egyetemes Nyilatkozata]]
[[hy:Մարդու իրավունքների համընդհանուր հռչակագիր]]
[[ia:Declaration Universal del Derectos Human]]
[[id:Pernyataan Umum tentang Hak-Hak Asasi Manusia]]
[[io:Universala Deklaro di Homala Yuri]]
[[is:Mannréttindayfirlýsing Sameinuðu þjóðanna]]
[[it:Dichiarazione universale dei diritti umani]]
[[ja:世界人権宣言]]
[[ka:ადამიანის უფლებათა საყოველთაო დეკლარაცია]]
[[kab:Tiṣerriḥt tagraɣlant izerfan n wemdan]]
[[kk:Адам құқықтарының жалпыға бірдей декларациясы]]
[[ko:세계 인권 선언]]
[[krc:Адамны хакъларыны тамал декларациясы]]
[[la:Universa Iurum Humanorum Declaratio]]
[[lb:Universal-Deklaratioun vun de Mënscherechter]]
[[lg:Ekiwandiiko Eky'abantu Bonna Ekifa ku Ddembe Ly'obunto]]
[[li:Universeel Verklaoring van de Rechte van d'r Miensj]]
[[ln:Lisakoli ya molongo ya makoki ya moto]]
[[lt:Visuotinė žmogaus teisių deklaracija]]
[[lv:Vispārējā cilvēktiesību deklarācija]]
[[mg:Fanambarana Iraisam-pirenena momban'ny Zon'Olombelona]]
[[mk:Универзална декларација за човековите права]]
[[mr:मानवाधिकाराचे वैश्विक घोषणापत्र]]
[[ms:Perisytiharan Hak Asasi Manusia Sejagat]]
[[mwl:Declaraçon de ls Dreitos de la Criança]]
[[my:အပြည်ပြည်ဆိုင်ရာ လူ့အခွင့်အရေး ကြေငြာစာတမ်း]]
[[new:युनिभर्सल डिक्लेरेसन अफ ह्युमन राइटस्]]
[[nl:Universele verklaring van de rechten van de mens]]
[[nn:Menneskerettsfråsegna]]
[[no:Menneskerettighetserklæringen]]
[[nv:Bee Hazʼą́ą Ił Chʼétʼaah]]
[[oc:Declaracion Universala dels Dreches Umans]]
[[pl:Powszechna Deklaracja Praw Człowieka]]
[[pnb:انسانی حقاں دا عالمی اعلان]]
[[pt:Declaração Universal dos Direitos Humanos]]
[[qu:Pachantin llaqtakunapi runap allin kananpaq hatun kamachikuy]]
[[ro:Declarația Universală a Drepturilor Omului]]
[[ru:Всеобщая декларация прав человека]]
[[sc:Decraratzione Universale de sos Deretos de s'Òmine]]
[[sco:Universal Declaration o Human Richts]]
[[sg:Dêpä tî pöpöködörö tî ndiä tï bata nengö terê tï zo takapa]]
[[simple:Universal Declaration of Human Rights]]
[[sk:Všeobecná deklarácia ľudských práv]]
[[sl:Splošna deklaracija človekovih pravic]]
[[sq:Deklarata e Përgjithshme mbi të Drejtat e Njeriut]]
[[sr:Универзална декларација о људским правима]]
[[ss:Simemetelo Semhlaba Wonkhe Mayelana Nemalungelo Ebuntfu]]
[[sv:FN:s deklaration om de mänskliga rättigheterna]]
[[sw:Tangazo kilimwengu la haki za binadamu]]
[[ta:உலக மனித உரிமைகள் சாற்றுரை]]
[[tet:Deklarasaun Universál Direitus Umanus Nian]]
[[th:ปฏิญญาสากลว่าด้วยสิทธิมนุษยชน]]
[[tr:İnsan Hakları Evrensel Bildirisi]]
[[uk:Загальна декларація прав людини]]
[[ur:انسانی حقوق کا آفاقی منشور]]
[[vec:Dichiarasion Universałe de i Diriti de l'Omo]]
[[vi:Tuyên ngôn Quốc tế Nhân quyền]]
[[wa:Declaråcion univiersele des droets del djin]]
[[war:Sangkalibutan Nga Pag-Asoy Bahin Han Kanan Tawo Mga Katungod]]
[[yi:אלוועלטלעכע דעקלאראציע פון מענטשרעכט]]
[[yo:Ìkéde Akáríayé fún àwọn Ẹ̀tọ́ Ọmọnìyàn]]
[[zh:世界人权宣言]]
[[zh-min-nan:Sè-kài Jîn-koân Soan-giân]]
[[zh-yue:世界人權宣言]]

Kala duwanaanshihii ugu danbeeyay oo dhacay 08:53, 18 Oktoobar 2021

Eleanor Roosevelt & BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA DADKA (1949)

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Iyadoo aqoonsiga sharafta uu ku dhashay iyo xuquuqda maguurtada ah ee ay u siman-yihiin dadweynaha adduunku uu yahay saldhigga xorriyada, caddaaladda iyo nabadda dunida.

Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka dhasheen falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi, laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.

Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in xuquuqda aadanuhu ay noqdaan kuwo sharcigu dhowro, si uusan qofku, ugu dambeynta, ugu baahan inuu xoog kaga soo horjeesto cadaadiska.

Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dawladdaha.

Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka aadamiga ah iyo sinnaata xuquuqda ragga iyo dumarka iyagoo goostay inay hore u mariyaan bulshada heerka, noloshoodane la wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.

Iyadoo Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay dhexdooda iska ballan qaadeen iyagoo la kaashanaya Hayadaha caalamiga ah sare u qaadidda dhowritaanka iyo xushmaynta xuquuda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah.

Iyaadoo helitoanka aragti midaysan ee la xiriirta xuquuqdan iyo xorriyaadkan ay tahay arrin qiima weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan qaadkan.

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof waliba ama xubin kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku haya Baaqan, ugu dadaali lahaa sare u qaadidda dhowritanka xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u mareya waxbarasho iyo barbaarin, talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda iyo gudahaba sidii loo xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.

Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi, waana in qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.

Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuqda lagu tilmaamay Baaqan iyada oo aan loo kale soocin xag qabiil, midabka, dheddig ama lab, afka, diinta, siyaasadda ama fikrad kale, dhalasho ama meesha uu ka soo askumay, xoolaha, dhalasho ama xaalada kale. Waxaa kale oo aan lagu samayneyn kala soocid ku salaysan arrimaha siyaasadeed, xukun ama xaal caalami ee uu ku suganyahay, dhulka ama dalka uu qofka u dhashay, ha ahaado dalkaasi mid madax bannaan, mid weli dawlad kale maamusho (wisaaya) mid aan haysan xukun hoosaad ama aan haysan gobanima buuxda.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo.

Ma jiro qof loo hoysan karo addoon, addoonsiga iyo ka ganacsiga addoonta way reebanyihiin cayn kasta ay ku yimaadaan.

Ma jiro qof loo geysan karo silic dilyo ama ciqaab ka baxsan aadaninimada.

Qof kastaa wuxuu xaq u laayahay in loo aqoonsado, meel kasta oo uu Joogo, qofnimadiisa.

Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin, iyaga oo aan la kala soocin, in sharcigu dhowro. Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirigelni kara kala sooc-soocid.

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Maxkamadaha ku hawsha leh ee dalkiisa cawin celin dhab ah marka lagu xad-gudbo xuquuqda asaasiga ah oo uu dastuurka ama sharciga siiyay.

Qofna looma xiri karo, looma hayn karo, ama looma masaafurin karo si sharci darro ah.

Qof Kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo sinnaan buuxda Maxkamad Caadil ah horteed marka la gaynayo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa iyo marka ay dhacdo in loo haysto dacwo ciqaab ah.

1. Qof kasta oo lagu soo oogay dacwo ciqaab ah wuxuu xaq u leeyahay in loo ictiqaado inuu yahay dembi laawe ilaa laga caddeeyo inuu yahay dembiile sida uu qabo sharcigu, ayna ku dhawaaqdo Maxkamad dadka u furun oo eedeysanayaasha loo oggolaaday dammaanadaha lagama maarmaanka u ah difaacooda.

2. Qofna lama saari karo ciqaab ka dhalatay fal ama fal l'aan haddii falkaasi ama fal la'aantaasi xagga sharciga Dalka ama kan Caalamiga ah, aanay ahayn dembi waqtiga la galay. Sidoo kale dembilaha lama saari karo ciqaab ka adag tii u degsanayd falka dembigaas markii la galay.

Qofna si sharci darro ah looma faragelin karo arrimihiisa u gaarka ah, qoyskiisa, gurigiisa ama warqadihiisa; sidoo kale lama dhaawici karo sharaftiisa ama sumcaddiisa. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu sharciga ka hoos galo fara gelintaas iyo dhaawicidaas.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si xornimaa ugu dhex socdo una dego gudaha dal kasta.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka dhoofo dal kasta oo uu ku jiro kiisa, kuna soo laabto.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dal kale u raadsado kana helo magan gelyo siyaasadeed isagoo ka baxsanayo cadaadis.

2. Xaqa kor ku xusan laguma doodi karo haddii cadaadisku yahay mid dhab ahaan ka dhashay dembi aan siyaaso la xiriirin ama falal ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay Jinsiyad.

2. Qofna si sharci darro ah loogama qaadi karo Jinsiyadiisa, loomana diidi karo xaqa ah inuu Jinsiyadiisa beddesho.

1. Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo.

2. Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo xor ah oo ka yimaadda labada doonaysa in ay is-guursadaan.

3. Qoysku waa unugga saldhigga u ah bulshada, wuxuuna xaq u leeyahay in Dawladda iyo mujtamacu bad baadiyaan.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu keli ahaan xoolo yeesho ama cid kale xoolo kula shirkoobo.

2. Qofka xoolahiisa si sharci darro ah loogama qaadi karo.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda iyo wacyiga, Waxa uu qofku xaq u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo xagga ra'yiga iyo hadalka; wuxuu kale xaq u leeyahay inaan lagu fara gelin ra'yigiisa iyo inuu raadsado, helo, dhiibo warar iyo fikrado isaga oo isticmaalaya qalab kasta oo war baahin ah iyaga oo aan loo fiirin ama xayirin wax soohdima ah.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo uu uga qayb galo isu-tag iyo urur leh ulajeeddo nabad-gelyo.

2. Qofna laguma khasbi karo inuu ka mid noqdo urur.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo maamulka Dalkiisa si toos ah ama isagoo si xornimo ah u dooranaya cid wakiil ka ah.

2. Dadka oo dhami way u simanyihiin inay ka qayb galaan maamulka sare ee dalka ka jira.

3. Rabitaanka dadweynuhu waa saldhigga awoodda Dawladda; rabitaankaas waxaa lagu muujinyaa dooroshooyin run ah oo xilliyo joogta ah dhacaya, laga wada qayb-galaya, waxayna u dhacayaan si qarsoodi ah ama hab kale oo wax lagu doorto oo xor ah.

Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Daryeelkaas oo qof waliba u fududaynaya xuquuq dhaqaale, mujtamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah qofka sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo ku imaanaysa dadaalka gudaha iyo iskaashiga caalamiga, isagoo laga eegayo nidaamka iyo ilaha dhaqaale ee Dawlad kasta.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, inuu u madax bannaanaado doorashada shaqada uu qabanayo, in sharuuduhu shaqada ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danaynaya iyo inaysan shaqo la'aan ku dhicin.

2. Qof kastaa, iyadoon dadka la kala soocin, wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar la mid ah kan uu qaato qof kale oo ay isku shaqa qabtaan.

3. Qofka shaaqeeyaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar wax taro, kuna filan si uu ugu noolaado isaga iyo qoyskiisuba. Loona kabo haddii loo baahdo daryeellada kale.

4. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro urur ama ku biiro kuwo jiray si uu u ilaaliyo danihiisa.

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nasasho oo ay ku jirto waqti kooban oo macquul ah oo laga jaro saacadaha shaqada iyo xilliyo fasax oo uu mushaar u socdo.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu gaaro heer nololeed oo waxtar u ah caafimaadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu horeeyaan cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle wixii adeeg bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur, curyaanimo, geeri, gabow ama dhibaatooyinka kale uusan la shaqaysan kari ka baxsan awoodiisa.

2. Hooyada umusha iyo dhalaanku waxay xaq u leeyihiin xannaano iyo gacan siin gaar ah. Caruurta oo idil, ha ku dhashaan ama yaanay ku dhalan meher, waxay xaq u leeyihiin xannaana isku mid ah.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo wax-barasho. Waxbarashadu waa lacag la'aan, ugu yaraan heerka dugsiyada hoose iyo heerka aasaasiga ah. Waxbarashada dugsiyada hoose waa khasab. Waxbarashada farsamo iyo midda xirfadeed waa inay noqdaan kuwo la helo; tacliinta sare sidoo kale waa inay u furnaataa dadka oo dhan, iyada oo la tix-gelinayo qof la arko mudnaantiisa.

2. Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka tarta is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa qowmiyaadka ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si adkayso hawlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda nabad-gelyada.

3. Waalidka ayaa iska leh xaqa koobaad oo ah inay doortaan nooca waxbarashada la siinayo caruurtooda.

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si madax bannaan uga qayb qaato hiddaha nololeed ee bulshada, inuu ka faa'idaysto farshaxanka, inuu ka qayb galo, horumarinta cilmiga iyo ka faa'idaysigiisa.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga iyo macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi suugaanta iyo farshaxanka.

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyaday inuu helo nidaam bulsho iyo hab caalami ah oo xuquuqda iyo xorriyaadka lagu tilmaamay Baaqan si buuxda loogu dhaqan gelin karo.

1. Qof kasta waxaa ka saaran bulshadiisa waajibaad; bulshadu waa meesha qura oo ay suurtowdo in qofku shakhsiyadiisu si madax bannaan oo buuxda ay ugu kobocdo.

2. Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa xiraya oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo keliya aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la dhowro iyo sidoo kale anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee mujtamaca diimaqaraadiga ah.

3. Xuquuqda iyo xorriyaadka kor ku xusan looma isticmaali karo si ka soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.

Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad, koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan.